Ciidamada Nabadsugidda Koonfur Galbeed oo Howlgal Amni ka Fuliyay Magaalada Xudur

0
17

Xudur – RNN Somali TV

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka howlgala degmada Xudur, ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Howlgalkan oo si qorsheysan loo abaabulay ayaa diiradda lagu saaray baarista dadka iyo gaadiidka kala duwan ee gudaha u galaya magaalada Xudur. Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la xoojiyo amniga, lana helo xog sugan oo kusaabsan dhaqdhaqaaqyada laga shakisan yahay.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ammaanka waxay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah oo looga shakisanyahay arrimo amni. Dhalinyaradaasi waxaa la marsiin doonaa habraaca baarista si loo xaqiijiyo sharciyadooda iyo ujeedada ay magaalada u joogaan.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in sugidda amniga iyo ilaalinta badbaadada shacabka ay tahay mas’uuliyad adag oo ay si buuxda u gutayaan. Waxay intaas ku dareen in ciidamadu ay feejignaan dheeraad ah muujiyeen si looga hortago falal amni-darro, gaar ahaan weerarro laga yaabo inay qorsheeyaan kooxaha argagixisada.

Saraakiishu sidoo kale waxay xuseen in howlgalada noocan ah ay noqon doonaan kuwo joogto ah, si loo xaqiijiyo xasilloonida degmada Xudur iyo guud ahaan deegaannada hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here