
Muqdisho – RNN Somali TV
War degdeg ah oo naga soo gaaraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Federaalka.
• Axmed Macallin Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.
• Jibriil oo horey u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad.
• Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa isla markiiba loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Isbeddelkan ayaa ah mid ka tarjumaya isku shaandhayn lagu xoojinayo xukuumadda, iyadoo loo marayo dib u habeyn lagu hagaajinayo howlaha dowladda ee amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in isbeddelkan uu yahay mid la filayay tan iyo markii ay kordheen baaqyada lagu dalbanayay dib u habeyn dhanka amniga iyo xiriirka dibadda Soomaaliya.