Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho Yimid

0
17

Muqdisho – RNN Somali TV

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Ruushka, ahna Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Mikhail Bogdanov ayaa markii uu soo degay waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamud Mursal.

Booqashada Bogdanov ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ruushka, arrimaha iskaashiga dhaqaale, iyo sidoo kale wadahadallo la xiriira xasilloonida gobolka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan rasmi ah oo looga hadlayo horumarinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here