Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Cali Yuusuf Xoosh oo si degdeg ah uga jawaabay Hadalkii Saciid Cabdullaahi Deni

0
39

RNN Somali TV – Garowe

Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay kadib markii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Cali Yuusuf Xoosh, uu si degdeg ah oo adag uga jawaabay hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo adag ku yiri:

“Gogosha qaran ee lagu heshiinayo diidmadeeda iyo hor istaagga isku tashiga bulshada SSC-Khaatumo waa wado qaldan. Soomaaliyeed, aynu is baranno, oo midnimo ku socono.”

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa hadallo dhowaan kasoo yeeray Madaxweyne Deni oo ka dhiidhiyay ka qaybgalka Madasha Wadatashiga Qaran iyo dhaliilo uu u jeediyay Dowladda Federaalka ee la xiriira hanaanka wada hadalka iyo dhammeystirka Dastuurka.

Khilaafkan sii xoogeysanaya ayaa muujinaya sida uu u jilicsan yahay qaab-dhismeedka Federaalka ee Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay wada-hadal degdeg ah si loo badbaadiyo hanaanka dowlad-dhiska iyo midnimada qaranka.

Warbaahinta qaar waxay sheegayaan in xiisaddan ay keeni karto dib u dhac ku yimaada howlaha muhiimka ah ee qaran, sida dhammeystirka Dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here