Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan nabad iyo is-ixtiraam

0
11

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumaddiisu tahay mid ku saleysan iskaashi dhab ah oo ay Soomaaliya la leedahay cid kasta oo dan wanaagsan ka leh dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in siyaasaddan lagu saleeyay mabda’a nabadda, is-ixtiraamka iyo dan-wadaagga, si loo horumariyo xiriirka caalamiga ah loona taageero dadaallada dalka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dib-u-dhiska.

“Dowladdeennu waxa ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso cid kasta oo dan wanaagsan ka leh Soomaaliya, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida dalka iyo maslaxadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu dalka ku jiro marxalad diblomaasiyadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay xoojinayso xiriirkeeda caalamiga ah si loo helo taageero buuxda oo ku aaddan horumarinta dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here