Ulaanbaatar | April 2025
Safiirka aan degganayn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Mongolia, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa kulan miro-dhal ah kula qaadatay magaalada Ulaanbaatar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Mongolia, Marwo Battsetseg Batmunkh, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Purevsurengiin Naranbayar.
Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mongolia, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhanka waxbarashada, ganacsiga, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradda.
Waxbarasho iyo Teknoolojiyad Casri ah
Dowladda Mongolia ayaa gaartay heer sare oo waxbarasho, iyadoo gaartay 95% heerka aqris-qoris (literacy rate). Waxaa sidoo kale dhawaan lagu maamuusay abaalmarin caalami ah oo ku saabsan tayada iyo hufnaanta barnaamijkeeda waxbarasho ee onlaynka ah, kaas oo dadka ku nool deegaannada fog-fog u suurtageliyay helitaanka fursado waxbarasho oo tayo leh.
Ganacsi iyo Iskaashi Dhaqaale
Dhinaca Ganacsiga, labada dhinac waxay isku raaceen in ay jiraan fursado rajo leh oo lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada dhoofinta wax-soo-saarka Soomaaliya sida waxyaabaha beeraha, kalluumeysiga, iyo badeecooyinka kale. Mongolia, oo leh dhaqaale kobcaya, ayaa muujisay xiise ay u qabto horumarinta xiriir ganacsi oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato Soomaaliya.
Hadalkii Safiirka
Danjire Dr. Hodan Osman Abdi ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda Mongolia si loo dhiso xiriir waara oo ku saleysan iskaashi dhab ah, wax-wada-qabsi, iyo dan guud oo labada dal ay wadaagaan.