πŒπ”π’π‡π€π‘π€π— π‚π€ππƒπˆ 𝐅𝐀𝐀𝐑𝐀𝐗 π’π‡πˆπ‘πƒπŽπŽπ (π’π€π€π‚πˆπƒ) 𝐎𝐎 πŸ‘ ππŽπƒπŽπ π‡πŽπ‘πƒπ‡πˆπ†π€π˜ πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ„ 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 π’π‡π„π„πŠπ‡ 𝐈𝐘𝐎 𝐑𝐖 π—π€πŒπ’π€

0
45

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo hadda ah musharax Madaxweyne, ayaa war kasoo saaray kulamo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.

Musharax Saacid ayaa sheegay inuu madaxda sare ee dowladda u soo jeediyay saddex qodob oo muhiim ah, kuwaasoo uu tilmaamay inay yihiin kuwa lagama maarmaan u ah badbaadinta dalka iyo xasilinta xaaladda siyaasadeed. Qodobadaas waxay kala yihiin:

1. In xaaladaha cakiran ee amniga iyo siyaasadda lagu xalliyo wada-tashi qaran oo daahfuran;

2. In arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka lagu saleeyo wadar ogol iyo isku tanaasul siyaasadeed;

3. In shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan ciribtirka argagixisada, lana sameeyo dib-u-habeyn, qalabeyn iyo dhiirrigelin ciidamada Qaranka.

Musharax Saacid wuxuu xusay in waqtigan ay muhiim tahay in la helo aragti mideysan oo Soomaaliyeed si dalka looga saaro marxaladda uu marayo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here