Wararka anu ka heleyno gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International ee Muqdisho, ayaa sheegaya in saakay xildhibaan katirsan golaha shacabka oo u socdaalayay magaalada baydhabo laga reebay diyaaradii uu raaci lahaa.
ilo wareedyo kala duwan ayaa inoo sheegay in xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciroow, ay nabad sugida soomaaliya ay ka baajisay safarkiisa ugu socday Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur galbeed ee soomaaliya.
ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta looga reebay diyaarada iyo cida bixisay amarka,iyada oo wararka qaar ay shegayaan in xildhibaan uu dib ugu soo laabtay hoygiisa.
Sikastaba maalmo ka hor ayey aheyd markii xildhibaan Sareedo Cabdalla oo u safreysay magaalada Xudur, laga reebay diyaaradii ay raaci rabtay, waxaana loo sababneynaya arrintaan khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka koonfur galbeed, oo aan wanaagsaneen.