Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro

0
22
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay sidii ay hay’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.
Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .
Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.
460956950_1023745453125394_5171623161571225784_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=9g9Aaw7kCTQQ7kNvgGAcOzD&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro
461090964_1023745629792043_7568555477703044099_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=dmFXxmEkiugQ7kNvgFUQGDv&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro
460739157_1023745496458723_1998093434162083983_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=107&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=nf-NxFzlyjEQ7kNvgGKSOsn&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro
460484937_1023745689792037_3853044783640827075_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=1&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=2MPi-BXE94kQ7kNvgErfMMB&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro
460638097_1023745419792064_3456533649724055943_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=105&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=EAv2vpPsS3gQ7kNvgGJy7Xi&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Shir looga hadlayay hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyay oo lagu qabtay Muqdisho +Sawirro

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here