Mogadishu, Maarso 5, 2025 – Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, iyo taliyaha saldhigga degmada Xamar Jajab, Raxma, ayaa lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah u burburiyeen guryo ay dad shacab ah daganaayeen, iyagoo aan wadan wax warqad maxkamadeed ah oo sharciyeynaysa dumiska.
Howlgalka oo saakay ka dhacay xaafadda Fardooley ee degmada Xamar Jajab ayaa lagu burburiyay guryo badan oo ay deganaayeen qoysas danyar ah, kuwaasoo aan wax ogeysiis ah la siinin. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, markii la weydiiyay warqaddii maxkamadeed ee lagu fulinayo dumiska, taliyaha saldhigga Xamar Jajab, Raxma, ayaa ku jawaabtay: “Amarkeyga ayaan ku dumiyeyaa!” taasoo muujineysa in aysan jirin wax sharci ah oo ay ku dhaqmayaan.
Dadka deegaanka ayaa si weyn uga carooday ficilladan, iyagoo ku tilmaamay mid muujineysa awood sheegasho iyo sharci jebin. “Ciidanka dowladda iyo maamulka degmada waxay sharciyada iska dhigeen waxba kama jiraan. Sida loo dumiyey guryahayaga waa tacaddi cad oo aan loo marin hab-raacii sharciga,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii guryahooda laga burburiyay.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa cambaareeyay ficilladan, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda inay ku xad-gudbeyso xuquuqda shacabka. “Sida sharciga dalka qabo, guri qof leeyahay lama duminkaro iyada oo aan la haysan warqad maxkamadeed. Taliyeyaasha fuliyay howlgalka waa in si degdeg ah loola xisaabtamaa,” ayuu yiri xubin ka tirsan mucaaradka oo la hadlay RNN Somali TV.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ama maamulka gobolka Banaadir oo ku saabsan eedeymaha sharci-jebinta ee loo soo jeediyay taliyeyaasha booliska.
RNN Somali TV waxay sii wadeysa dabagalka dhacdadan, wixii warar ah ee soo kordha, kala soco wararkayaga.