Ciidanka xoogga oo saakay howlgal culus ka fuliyay deegaan hoostaga Degmada Xudur

0
31
Ciidammada Xoogga Dalka guutada 9-aad qeybta 60-aad ee gobolka bakool oo saaka howlgal ka fuliyey deegaanka Qeydar-Adde oo 30km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xudur ee Gobolka Bakool
Saraakiisha horkacaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in howlgalka u dhacay qorshihii loogu talagalay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana lagaarsiiyey Kooxda oo deegaanka Qeydar-Adde fariisin ku lahaa xero tababarna uga furnaa, dagaal waqti kooban socday kadib lagala wareegay saldhigii ay kulahaayeen deegaanka wixi agab ah oo yaalayna ka carareen.
Ciidamada xoogga ayaa maalmihii dambe waxa ay xoojiyeen howlgallada ay kasameyaan deegaannada hoosyimada Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool,iyaga kooxda ‘AS’ ka saaray degaano badan oo ay kaga sugnayaan Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here