Agaasimaha Hay’adda socdaalka oo la kulmay mas’uul katirsan wadanka Denmark

0
30
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Denmark ayaa la kulmay madaxda Garoonka diyaaradaha ee Copenhagen.
Agaasimaha Guud iyo Wafdigiisa ayaa ugu horayn waxa ay warbixin ku saabsan habka uu u shaqeeyo garoonka ay ka dhageesteen madaxda Garoonka, Sidoo kale waxa ay booqasho kormeer ah ku tageen qaybaha uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha ee Copenhagen, gaar ahaan qaybta hubinta baasaboorada iyo qaybaha laga maamulo xogta duulimaadyada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here