Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay walaaca ay ka qabaan ‘hub’ ay sheegeen in Itoobbiya ay si ‘sharcidarro ah’ ugu soo dirtay Maamulka Puntland.
Warsaxaafadeed soo baxay caawa ayaa lagu sheegay in Somaaliya ay arrintaas u aragto fal ‘xad gudub ku ah madax bannaanideeda’.
Soomaaliya ayaa sida oo kale warsaxaafadeedkaas ku sheegtay in arrintani aanay ahayn mid cusub ee ay tahay dhacdo sida oo kale horena uga dhacday maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
“Dhacdadan waxa ay daba socotaa shixnado hub ah oo si sharci-darro ah oo hore looga soo gudbiyay Itoobiya, kuwaas oo la geeyey magaalooyin ka mid ah Maamul-Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, iyo shixnado kale oo hub iyo rasaas ah oo diyaarado lagu geeyey magaalada Baydhabo ee Maamul-Goboleedka Koofur-Galbeed ee Soomaaliya.”
“Falalkan soo noq-noqday waxa ay muujinayaan tixgelin la’aanta joogtada ah ee Itoobiya ku hayso Madaxbannaanida Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Sikastaba ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo kan Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee xiriir aan la sameynay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba ka jirin warka ah in hubkaasi laga soo geliyay dhanka Itoobiya, wuxuuse ka gaabsaday jiritaanka hubkan.