Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qaar kamid ah maleeshiyaadkii dilka u geystay askarta xoogga dalka duleedka deegaanka Ceel-baraf, gacanta lagu soo dhigay.
Guddoomiye Maxamuud, ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Hir-shabeelle, ay ku guuleysteen inay soo qabtaan labo kamid ah maleeshiyadkii dilka geystay, halka ay ku raad jogaan ku kale.
“ Waxaan soo qabanay labo kamid ah dadkii ka dambeeyey dilka askarta Qaranka, kaddib howlgal aan ka sameynay goob ay ku aruusanayeen, waxaana ku daba jirnaa inta hartay waana lasoo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa, “ ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay in shalay xabsiga loo taxaabay Guddoomiyihii deegaanka Ceel-baraf, iyo Odayaal dhaqan oo ku eedeysan inay ka gaabiyeen xil gudashadoodi looga baahnaa.
Waxa uu intaas ku daray hadalkiisa Guddoomiyaha inuu ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed iyo Beesha ay ka soo jedaan askartii lagu dilay Ceel-baraf, ay ka war sugaan dedaalada ay wadaan dowladda Federaalka iyo maamulka Hir-shabeelle.
“Dadaalada way socdaan dowladda iyo Hirshabeelle kama jiifaan wax la qabashada dhacdadii foosha xumeyd, dadka Soomaaliyeed iyo beesha askarta la dilay waxaab u cadeynaya in falkaas uu yahay mid aannka wada xunahay sida uu u dhacay, ha is dajiyaan sharciga ayaa la horkeenaya dambiilayaasha oo hada qaar gacanta lagu haayo” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud.
Sikastaba, dhacdadii Ceel-baraf, ayaa noqotay mid ay aad uga xumadaan dadka Soomaaliyeed, iyaga oo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladda sharciga u horkeento dadkii ka dambeeyay dilka askarta dowladda loogu geystay duleedka deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.