Howlgal uu hoggaaminayay Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda gobolka Hiiraan Dhamme. Cismaan Cabdi Waasuge, ayna ku wehlinayeen Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne Gaashaanlle Cabdullaahi Maxamuud Siyaad, ayaa xalay laga sameeyay xaafadaha ay kooban tahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada howlgalka fuliyay oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Beledweyne ka howlgala ayaa ciidanka waxa aay mid mid u baarayeen dadka iyo gaadiidka.
Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda gpbolka Hiiraan Dhamme. Cismaan Cabdi Waasuge oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada howlgalka fuliyay aay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 50 Ruux oo lagu soo qabtay dhac iyo Maandooriye taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ciidamada amniga la shaqeeyaan.