Xoghayihii hore ee difaaca UK, Gavin Williamson, ayaa shaaca ka qaaday in Donald Trump uu qorsheynayo inuu Somaliland aqoonsado. Williamson, oo si dhow ula shaqeynayay madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somaliland, ayaa wargeyska The Independent u sheegay inuu wadahadalo arrintan la yeeshay Trump.
Williamson ayaa xusay in Trump uu aqoonsaday muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan booskeeda muhiimka ah ee ku teedsan Badda Cas, isla markaana uu xiiseynayo inuu taageero dadaallada ay Somaliland ku raadinayso aqoonsi caalami ah.
Arrintan ayaa noqon karta isbeddel weyn oo dhinaca siyaasadda caalamka ah, maadaama Somaliland ay muddo dheer ku jirtey dadaallo ay ku raadinayso inay hesho aqoonsi rasmi ah.