Wararkii ugu dambeeyay Xildhibaan lagu dilay Magaalada Wajer

0
80

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida Hon Yuusuf Xuseen Tolfiyow, oo meydkiisa laga helay Harada Lake Yahuud oo ku taalla meel 7KM u jirta Magaalada Wajer ee gobolka Waqooyi barri ee dalka Kenya.

Alle hau naxariiste Marxuum Yuusuf Xuseen oo la la,aa mudooyinkii dambe ayaa goordhaweyd la helay meydkiisa waxaana ka muuqday jirkiisa nabaro kala duwan oo loo geystay.

Marxuumka ayaa ka tirsan Xildhibaanada ismaamulka Magaalada Wajer, MCA for Dela, Eldas constituency ee waqooyi barri ee dalka Kenya.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Meydka marxuumka la geeyay goobta la dhigo meydadka ee magaalada Wajer, si baaris loogu sameeyo cid ka dambeysay dilkiisa.

Sidoo kale kale Marxuum Yuusuf Tolfiyow ayaa in badan waxa uu ahaa nin dhallinyaro oo deegaanka wax u qabtay, isla markaana ay jeclayeen dadkiisa.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ka dambeyso dilka loo geystay Marxuum Yuusuf Xuseen, mana jirto ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkiisa.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here