Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho  

0
15

Muqdisho, 4-da October 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay qaraxii naf-hurnimo ee galabta ka dhacay meel u dhow xarunta Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in abaaro 4:40 galabnimo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabab ay isku dayeen weerar argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday xarunta ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan hay’adda NISA, iyagoo isticmaalay gaari ay u ekaysiiyeen mid ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Dowladdu waxay xaqiijisay in ciidamada ammaanku si degdeg ah uga jawaabeen weerarka, ayna toogteen qaar ka mid ah dableydii isku dayday inay gudaha u gasho xarunta. Waxaa sidoo kale la sheegay in howlgal sifayn ah uu weli ka socdo goobta si loo hubiyo in xaaladdu deggen tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna sii wadaan taageerada ay u hayaan ciidamada qaranka ee difaacaya amniga dalka.

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan howlgalka iyo khasaaraha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa saacadaha soo socda, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here