Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Sharciyo Cusub iyo Warbixinno Xasaasi ah

0
56

Muqdisho, Khamiis, 25 Sebteembar 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa.

Shirkan ayaa lagu ansixiyey Hindise-Shraciyeedka Machadka Sare ee Arrimaha Sharciga, iyo Hindise-Shrciyeedka Sharciga Badqabka Caanaha, kuwaas oo muhiimad weyn u leh adeegga bulshada.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, gaar ahaan fulinta xeerkii Xakamaynta Hubka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here