Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog ku wareeegaan Saldhigga Booliiska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku hamineya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadhiyaan dhiigga shacabka iyo karaan Ciidamada Qalabka Sida ee ku howlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.
Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddu ka saaran tahay xubnihii sababay weerarkaasi iyo dad-weynaha ay dhibaatooyinka siyaasadeedka, kala dambeynta iyo xasilloonida uga faa’iideysanayaan.
Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysa siyaasiyiinta xilka jecel in ay ka waantoobaan wax kasta oo khalkhal gelin kara howlaha amniga, una hoggaansamaan sharciyada iyo dastuurka dalka u degsan.
Ugu dambeyn DFS waxay caddeyneysaa in ay tahay tan kaliya ilaalinta sharciga dalka iyo sugidda amniga dadweynaha, loona la xisaabtami doono cid kasta oo ku xadgudubta amniga.