Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa si kulul uga hadlay xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Qoraalkisa ayaa u qornaa sidan:-
”Waxa ayaan darro weyn ah islamarkaana aan si adag u cambaareynayaa in awood ciidan loo adeegsado shacabka maatida ah ee ka cabanaya barakicinta joogtada ka noqotay Magaalada Muqdisho.
Waxaan sidoo kale ka walaacsanahay rabshadaha iyo dareenka shacabka ee maalimba maalinta xigta sii xoogeysanaya kaas oo la xiriira cadaalad darrada ka dhalatay dhul boobka, kutumashada xuquuqda shacabka danyarta ah iyo warbaahinta xorta ah ee Magaalada Muqdisho, waxaana dhacdooyinkaasi ugu dambeeyay kuwa ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Deyniile.
Waxaan uga digayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka ah inaysan iska indha-tirin dareenka bulshada ee cirkaa isku sii shareeraya anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.
Waxaan ugu dambayn ka tacsiyeynayaa geerida marxuum Maxamed Cabdullaahi Xasaan oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ciidanka dowladda ku dileen xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile.”.