RW Xamsa”Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah shuruucdii oo la hagaajiyey, midnimo iyo wadajir”.

0
46

Muqdisho, Arbaco, 18 Sebteember 2025: —Xukuumadda DanQaran ayaa caawa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay guulaha ay xaqiijisay muddadii saddex sano ahayd ee ay dalka u shaqeynaysay, taas oo hirgelisay barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah, oo ay markhaati u yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasabadda ka qeybgalay bandhigga, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo Xukuuumaddiisu ay hirgaliyeen qorshayaaal iyo shuruuc muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Guulaha ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran ayaa taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda horumarinta arrimaha bulshada, difaaca iyo adkaynta midnimada Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in guulahani ay ku yimaadeen wadajir iyo midnimo, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Xildhibaannada Labada Aqal iyo guddoonkooda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here