NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo 12 ”AS” Ku Dishay Howlgal ka Dhacay Galguduud.

0
66

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al Shabab, oo ay ku jiraan horjoogeyaal, halka 13 kalena dhaawacyo culus soo gaareen, iyada oo la beegsaday xarun lagu diyaarinayay in ka badan 400 oo maleeshiyaad ah, waxaana lagu raad-joogaa haraadigii Maleeshiyaadka oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah bartilmaameedyada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabka iyo Saaxiibada Caalamka, ay ku dabar goynayso cadowga Al Shabab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here