Dowladaha Soomaaliya iyo Turkey ayaa dhawaan qabtay kulan gaar ah oo looga gol lahaa xoojinta xiriirka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa ku sheegay bartiisa X Kulan wax soo saar leh ayaan la yeeshay Mudane Nur Yilmaz, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga.
”Waxaan gudbiyay mahadnaq ballaaran oo ka timid Soomaaliya oo ku aaddan soo dhaweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee Turkiga—laga bilaabo gargaar bini’aadminimo ilaa amniga, horumarinta, iyo hadda iskaashiga dhaqaale.” ayu yiiri Wasiirka.
Turkey waxay ahayd lamaane muddo dheer ah oo joogto ah Soomaaliya, iyadoo siisay taageero muhiim ah dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin gargaar bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo mashaariicda horumarineed.