Fannaan Safwaan Hilac ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Hargeysa.

0
90

Fanaanka da’da yar ee Soomaaliyeed Safwaan Hilac ayaa ku geeriyooday shil gaari oo saaka aroortii ka dhacay wadada loo yaqaan 200 boqol oo ku taal waqooyiga magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Fanaanka Safwaan ayaa isla goobta ku geeriyooday iyadoo dhalinyaro kale oo la socotay oo ay ku jireen gabdho ay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo hadda lagu daweynayo cisbitaalka Hargeysa.

Saddex bilood ka hor ayuu Somaliland yimi Fannaanka caan ah Safwan oo ka yimi dalka Jarmalka oo uu ku noolaa, ugu dambayntiina ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka, ayaa fanka ku soo biiray sanadkii 2015-kii waxa uu qoray oo uu qaaday heeso jacayl oo badan, waxaanu ka mid ahaa fanaaniinta loogu jecel yahay bulshada intii uu fanka ku jiray.

Dhammaan bulshada Soomaaliyeed ayaa naxdin ku noqotay geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid fannaanka, iyadoo inta badan baraha bulshada ay tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan qoyska, asxaabta iyo taageerayaasha

Alle unaxaristo marxuumka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here