Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud: “Tallaabo adag ayaa laga qaadi doonaa kuwa faafiya been-abuur iyo sumcad-dil”

0
96

War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in gacanta lagu hayo dacwado la xiriira cay, aflagaado, sumcad-dil, faafinta sawirro iyo muuqaallo anshax-xumo, been-abuur iyo kicin bulshada dhexdeeda ah.

Xafiisku wuxuu tilmaamay in falalkan khatar weyn ku yihiin xasilloonida iyo nabadgelyada bulshada, isagoo digniin adag u diray cid kasta oo ku hawlan arrimahaas sharci-darrada ah.

Waxaa la xaqiijiyey in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono dadka lagu helo dambiyadaas, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu adkeeyay muhiimadda ilaalinta sharciga iyo difaaca sumcadda bulshada si loo helo horumar iyo nabad waarta.

GzqlWH7W0AAc-J0-284x300 Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud: “Tallaabo adag ayaa laga qaadi doonaa kuwa faafiya been-abuur iyo sumcad-dil”

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here