Qarax Miino Ka Dhacay Suuqa Xoolaha oo Geystay Khasaare Naf iyo Dhaawac.

0
73

Subaxnimadii maanta ayaa qarax miino ka dhacay Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay bar-koontarool ay ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa, gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in miinada dhulka lagu aasay ay halkaas ku qaraxday.

 

Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka labo askari oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ammaanka ayaa goobta si degdeg ah u xiray, iyagoo bilaabay baaritaan lagu raadinayo ciddii ka dambaysay.

 

Labada askari ee dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana ilaa iyo hadda aan cidna sheegan mas’uuliyadda weerarka, inkastoo falalka noocan oo kale ah inta badan loo aanaynayo kooxda Al-Shabaab.

RNN Somali TV waxay si dhow ula soconeysaa xaaladda, waxaana dib idinkugu soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kusoo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here