Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Hodon.

0
94

Madaxweynihii hore Soomalia Mahamed Abdullahi Farmajo ayaa war ka soo saaray dagaalka maanta ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Rag hubeysan uu ku dhexmarayo xaafada Horseed ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-
Bulshada birmo-gaydada ah ee maanta ay ciidamada dowladdu ku weerareen degmada Hodon, dadka lagu dhex dilay hoygooda, dhallinyarada, haweenka iyo ilmaha hubka culus loo adeegsaday waa arrin murugo badan oo dhaawacaya kalsoonida shacabka ee dowladda.

Ciidanka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta, sidaas awgeed waxaan ka digayaa in ay cabashada dadweynaha uga jawaabaan xabbad iyo dhiig daadin.

Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dhammaan dadka birmo-geydada ah ee maanta ku naafwaayey dagaalka ka dhacay Degmada Hodon, waxaanna caafimaad degdeg ah u rajaynayaa dadka ay soo gaareen dhaawacyadu.

532489099_1307295767634339_1568839577588193149_n-212x300 Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay degmada Hodon.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here