CXD oo dib u qaabsate degmada Bariire.

0
82

In ka badan 100 maleeshiyaad ah ayaa lagu dilay, kuwa kalena nolosha lagu qabtay Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo taageero ka helaya AUSSOM ayaa si buuxda u sugay ammaanka magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire kadib weerar qaatay muddo todobaad ah.

In ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay. Hub & Agab la qabtay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dib u qabsashada deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ah deegaan istiraatiiji ah. Ciidamada xooga dalka iyo AUSSOM waxay dileen ku dhawaad 120 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo tiro kalena nolosha lagu qabtay.

“Waxaan ku bogaadinayaa ragga iyo dumarka ku labisan dareeska, AUSSOM & saaxiibada kale ee guusha iyo naf hurida noo soo hooyey, waxaad naftiina u soo saarteen safka hore ee tiirkayaga, oo aad ka xoraynaysaan kooxihii argagixisada ahaa. Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Fiqi.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here