Dowladda Federaalka oo Farta Ku Fiiqtay Abaabul Colaadeed ka Socda Gedo.

0
77

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay wali jiraan dad la shaqeynaya Axmed Madoobe oo ku mashquulsan arrimo qalalaaso iyo hurinta dagaal ka socda Gobolka Gedo. Dadkaas waxay sidoo kale faafinayaan warar been abuur ah, waxaana ay isku dayayaan inay qariyaan dambiyo ay ku lug leeyihiin.

Mid ka mid ah dadkaas waa Maxamuud Sayid Aadan, oo horey uga qayb qaatay dhibaatooyin badan oo ka dhacay Gedo. Maalmahan dambe waxaa la sheegay inuu si gaar ah ugu lug lahaa xogaha iyo dhibaatada gobolka.

Hadda, Gobolka Gedo waxaa suga Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo muddo 15 sano ah halkaas ka shaqeynayay, iyagoo u jooga inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Ciidamada Qaranka waxay la shaqeynayaan shacabka deegaanka, si ay u xaqiijiyaan nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka, loogana hortago kooxaha argagixisada.

Dowladdu waxay uga digaysaa shaqsiyaadka iyo kooxaha abaabulaya colaadda in dhaqdhaqaaqyadooda si dhow loola soconayo, islamarkaana lala xisaabtami doono haddii ay sii wadaan ficilada xun.

Ugu dambeyn, dowladda waxay u mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Gedo iyo maamulka gobolka, kuwaas oo muujiyay midnimo, waddaniyad, iyo taageero ay la garab taagan yihiin dowladda Federaalka.

528208619_1159857229510773_990595084093197368_n-238x300 Dowladda Federaalka oo Farta Ku Fiiqtay Abaabul Colaadeed ka Socda Gedo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here