Dowladda Federalka Soomaaliya Aya Hirgelisay Shuruudaha Cusub ee Socdaalka.

0
46

Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shir-gudoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlayay dhaqan gelinta Kaarka aqoonsiga Qaran ee bixinta Baasaboorka oo ah tallaabo muhiim u ah aqoonsiga dhijitaalka ah ee Soomaaliya iyo sugidda amniga.

Waxa go’ aan lagu garey laga bilaabo Sebtembar 1, 2025, kaarka aqoonsiga qaranka ayaa loo baahan doonaa si loo codsado baasaboor.

Sidoo kale , laga bilaabo bilawga sanadka cusub, dhammaan dadka safarka ah ee waddanku waa inay wataan aqoonsigooda aqoonsiga qaran si ay u xaqiijiyaan aqoonsiga shakhsi ahaaneed.

Kulanka waxaa Sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Agaasimaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde), Agaasimaha Guud ee HSJ Mustaf Dhuxuloow, iyo Shaqaale ka socday labada Hay’adood.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here