Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan xaaladda degmada Beled-Hawo.

0
175

In kabadan 200 oo qoys ayaa guryahooda uga tagay cabsi iyo rasaas culus xaafadahooda kuwaas oo inta badan ah haween, caruur iyo waayeel saacadihii la soo dhaafay Beled-Hawa.

Qaar ka mid ah dadka barakacay ayaa hadda lagu dejiyay iskuulo loo beddelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwo kalena ay la joogeen qaraabo horey u joogay magaalada Mandera.

Dadka barakacay waxay wajahayaan guri la’aan, cunno yaraanta, biyo yaraanta iyo daryeel caafimaad oo xaddidan.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mandera waxay bilaabeen inay diiwaangeliyaan dadka barakacay gargaarka degdegga ah, iyagoo xusay in xaaladdu tahay xaalad degdeg ah oo bina-aadamnimo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

Danka Kale, dagaalku wuxuu sababay khasaare, ilaa xadka aan wali la xaqiijin. Ma jirin erey deg deg ah oo ka yimid xisbiyada dagaallamaya maadaama isgaarsiinta magaalada ay laajaray

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here