Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYShir looga hadlayo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada beeraha oo ka...

Shir looga hadlayo sidii sare loogu qaadi lahaa tayada beeraha oo ka furmay Muqdisho

Shirka Maalgashiga Beeraha oo ay soo qaban qaabisay Waaaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo socon doona muddo laba cesho ah.

Shirkan oo ay ka qeybgelayaan khubaro caalami ah,ganacsato, malgeliyeyaal Caalami ah, Madax ka socota midowga Yurub , qaar kamid ah Safiirada dalalka Caalamka, hay’adaha kala duwan ee dowladda ka caawi wax soo saarka iyo shirkado daneeya maalgashiga.

Shirkan waxaa looga gol-leeyahay kor u qaadista maalgashiga beeraha, si loo xoojiyo kobaca dhaqaale ee dalka, loona horumariyo teknoolojiyadda iyo wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale kale waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira dalka gaarka ahaan beeraha iyo sidii loogu soo bandhigi lagaa bulshada Caalamka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments