Siciid Deni oo deeggaanada Puntland ka mamnuucay Asad Diyaano

0
36

Sacaadihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland.

Ujeedada kulamada ayaa sida ilo xog-ogaal ah ay inoo shegeen waxa ay salka ku hayeen, arrimo la xiriira magacaabista Taliyaha Booliska Soomaaliya ee Asad Cabdullaahi ( Diyaano), oo dhowaan ansixiyeen golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulamada natiijooyinka kasoo baxay ay mid tahay in Taliyaha Booliska Soomaaliya Asad Diyaano, uusan imaan karin Deeggaanada Maamulka Puntalnd.

Siciid Cabdullaahi Madaxweynaha Maamulka Puntland,ayaa la sheegay inuu aad uga xumaaday xilka Asad Diyaano,isla markaana villa Somalia ku Eedeeyay inaysan dooneynin khilaafka kala dhaxeeya Puntland, xal laga gaaro, maadama Deni uu doneynin in Asad Diyaano loo magacaabo Taliyaha Booliska Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here