Itoobiya oo difaacday is af-garadkii ay Somaliland la gashay iyo Masar oo tageertay Soomaaliya

0
34

Itoobiya ayaa difaacday heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, horraantii sanadkaan.

Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo dhawaan khubad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey ee New York lagu qabtay ayaa sheegay in is af-garadkaas uu salka ku hayo hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya u yaalla marka heshisi la galayo.

Wasiir Taye waxaa kaoo oo uu kulanka Qaramada Midoobey ka sheegay in ujeedda heshiiska ay tahay kobcinta horumarka gobolka. Wuxuu intaa raaciyay in heshiisyo is af-garadkaas la mid ah ay dhawaan la galeen dowlado kale.

Wuxuu meesha ka saaray in aysan jirin sabab dowladda federaalka Soomaaliya ay u huriso colaad, iyadoo sida uu hadalka u dhigay ka weecinaysa xiisadaha siyaasadeed ee gudaha ka haysta.

Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay ka qayb qaadatay xasilinta Soomaaliya marka ay timaaddo ciidamada Soomaaliya jooga ewe nabad ilaalinta kuwaas oo la dagaallama kooxaha dowladda ka soo horjeda isla markaana dalkiisu u sameysay Soomaaliya wax uu ku sheegay “naf-hurnimo”.

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Itoobiya ay walaac ka muujisay shixnado hub ah oo Masar ay siisay Soomaaliya kaas oo gaaray magaalada Muqdisho ayna xaqiijiyeen labada dhinac in hubkaas uu jiro waa Soomaaliya iyo Masar-e.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here