Doon ay la socdeen muhaajiriin ka socdaalay Afrika oo doonayay in ay ka soo galaan qaaradda Yurub dhinaca Spain ayey soo badbaadiyeen dhawaan ciidamada Morrocco.
Muhaajiriinta la soo badbaadiyay waxaa ka mid ahaa 18 Soomaali ah. 5 ka mid ah Soomaalidaas markii la soo badbaadiyay ayey ka baxeen halkii lagu hayay.
13 ka mid ah ayaa hadda ku sugan magaalada Bir-Gandouz ee xadka ku taal halkaas oo safiirka Soomaaliya u uku booqday.
Maxamed Amiin Cali Yuusuf waxa uu ka mid yahay 13-ka ku sugan magaalada ee la soo badbaadiyay, waxa uu BBC-da uga warramay sidii ay wax u dheceen inta aan lasoo bad-baadin.
“Shan maalin iyo shan habeen ayaan doonta saarneyn waxana kasoo raacnay Mauritania kadibna matoorka ayaa naga hallabay waxana u soconnay dalka Spain”.
Waxa uu sheegay in doonta loogu tala galay ilaa 80 ruux balse ay ku raaceen 115 ruux taasina ay keentay in culeys iyo dhibaato badan ay dhacday.
“Labadii maalmood ugu horreysay baddu wey fiicneed safarkuna caadi ayuu ahaa, balse maalinti saddexaad ayey xumeyd rajo dhanka nolosha ah ayaa naga dhamaatay qaarkeenna wey xanuunsadeen waliba xanuun maskaxiyan ah”.
Maxamed Amiin waxa uu sheegay in hadda uusan dooneyn in uu dalka dib ugu laabto isla markaana uu safiirka Soomaaliya u ballan qaaday in ay degenaasho heli doonaan.
Source BBC