rnnsomalitv

20 Xildhibaan oo laga mamnuucay kulamada golaha shacabka

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Nuur Madoobe, ayaa 20 Mudane oo katirsan golaha shacabka ka mamnuucay fadhiyada golaha, sababo amni awgeed.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday guddoomiye Aadan Madoobe, ayaa lagu sheegay in 20 xildhibaanka looga mamnuucay kulamada Baarlamaanka sababo amni darteed.

Guddoomiyaha ayaa habdhowraha golaha shacabka ku amray in fadhiyada golaha shacabka uu ka joojiyo xildhibaanada hoos ku xusan magacyadooda waxa uu sidoo kale faray in guddiga Xeer Hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda golaha shacabka, ay kasoo saraan go’aamo quseeya Anshaxa oo waafaqsan Xeer-hoosaadka golaha shacabka.

 

202551638816609621269057-214x300 20 Xildhibaan oo laga mamnuucay kulamada golaha shacabka

Exit mobile version